Ciidamada NISA Iyo Booliiska Galmudug oo gacanta ku soo dhigeen Maleeshiyaad dhac ka geystay deegaanada

19 total views, 2 views today

Ciidamada NISA Iyo Booliiska Galmudug Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Maleeshiyaad Gaadiid Ka Dhacay Deegaanada Maamulka Galmudug.

Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Dagmaada Cadaado Cumar Macalin Cali Ayaa Sheegay In Ay Gacanta Kusoo Dhigeen Maleeshiyaad Dhac Ka Geystay Intaa U Dhexaysa Cadaado Iyo Cabudwaaq Oo Ka Tirsaan Deegaanada Galmudug.

Wuxuu Sheegay Taliyaha Saldhiga Magaalada Cadaado Ayaa Sheegay In Raga Gacanta Lagu Soo Dhigay Ayaa U Gudbiyen Saldhiga Dagmaada Cadaado Laalana Xisabtami Doona Falaalka Amaan Daro Oo Ay Ka Wadeen Deegaanada Maamulka Galmudug.

Sido Kale,Taliyaha Wuxuu Sheegay In Lagu Daba Jiro Mid Kamid Ah Raggaasi Geystay Dhaca Kana Baxsaday Goobta Laamaaha,Ciidamada Amniga Ay Baadi Goobayaan Sidii Gacanta Ugu Soo Dhigi Lahaayeen.

Maamulka Galmudug Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii Loo Xasilin Lahaa Deeganada Maamulkaasi Loogana Hortagi Lahaa Dadka Falalka Amaandari Wada.