Ciidamada Gaarka Ah Ee Dowladda Oo La Wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

29 total views, 1 views today

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Ammaanka Ayaa Goor Dhow La Wareegay Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir Ee Dowladda Hoose, Iyadoo La Kala Eryay Ciidamadii Booliska Ee Ku Sugnaa Xarunta.

Ciidamada La Wareegay Xarunta Gobolka Banaadir Ayaa Isugu Jira Nabadsugid Iyo Ciidamada Gaarka Ah Ee Dowladda.

La Wareegitaanka Ciidamadan Ee Xarunta Gobolka Banaadir Ayaa Timid, Kaddib Markii Xalay Saqdii Dhexe Ciidamo Fara Badan Lagu Hareereeyay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Xilka Ka Qaaday Guddoomiye Taabid Oo Xilkan Hayay Muddo Ku Dhow Sagaal Bilood, Iyadoo Lagu Bedelay Wasiirkii Warfaafinta Eng. C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Dowladda Federaalka Ayaa Ku Dhiiratay Inay Soo Afjarto Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Taagan Gobolka Banaadir, Inkastoo Aan La Ogeyn Halka Uu Xaalka Ku Dambeyn Doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.