Ciidamada Dowlada Oo Xalay Howlgalo Ka Fuliyay….

21 total views, 1 views today

Wararka Ka Imanaya Gobolka Shabelaha Hoose Ayaa  Sheegaya In Ciidamo Isugu Jira Soomaali Iyo Ajnabi Ay Howlgalo Qorsheysan Xalay Ka Fuliyeen Deegaanka Gaalawer Oo Qiyaastii U Jirta Degmada Afgooye Illaa 5km.

Qaar Ka Mid Ah Dadka Ku Nool Tuuladaas Ayaa Saxaafada U Sheegay In Ciidamo Faro Badan Xalay  Ay Soo Galeen Tuuladaas Ayna Baaritaan Ka Sameeyeen.

“Ciidamada Oo Aan Weligeen Hore U Arag Tiradooda Ayaa Dhalinyaradii Ku Bilaabay In Ay Qabqabtaan Mid Kamid Ah Duqeyda Tuulada Oo Ahaa Mu’adinka Tuulada Wayna Dileen Kadib Markii Uu Diiday In Laga Wado Wiilkiisa.”Ayuu Yiri Qof Ka Mid Ah Dadka Ku Nool Tuuladaas.

Wararka Ayaa Waxa Ay Intaa Ku Darayaan In Howlgalkan Lagu Soo Qabqabtay Illaa Lix Ka Mid Ah Dhalinyarada Ku Nool Tuulada Gaalawer.

Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Soomaaliya Iyo Kuwa Caddaan Ah Oo La Rumeysan Yahay Inay Yihiin Maraykan Ayaa Howlgalo Ka Bilaabay Deegaano Ka Tirsan Shabelaha Hoose Iyadoo Howlgal Habeen Hore Ay Ka Fuliyeen Degmada Wanlaweyn Lagu Diley Hal Ruux Oo Ay Dowladu Ku Tilmaantay Inuu Ka Mid Ahaa Ururka Al-Shabaab.

Hase Yeeshee Dadka Ku Nool Degmada Wanlaweyn Ayaa Sheegay In Ninka La Diley Oo La Oran Jirey Macalin Jeelle Uu Ahaa Nin Nabadoon Ah. Si Kasta Ha Ahaatee Dowlada Federalka Soomaaliya Ayaan Ka Hadlin Howlgalka Xalay Laga Fuliyey Deegaanka Ka Tirsan Degmada Afgoye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.