Ciidamada Dowlada Oo Kudagaalay Degmada Mahaday Iyo Khasaare Kadhashay…

29 total views, 1 views today

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan oo qasaare dhaliyay uu ku dhex maray ciidamo ka wadatirsan Milatariga Soomaaliya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddex askari ay ku dhinteen iskahorimaadkan mid kalana uu ku dhaawacmay.

Iskahorimaadkan ayaa waxaa uu ka dhashay sida la sheegay muran ku saabsan lacago laga qaadayay ganacsatada qaadka keenta, halka warar kale ay sheegayaan in iskahorimaadkan uu ka dhashay muran ku saabsan lacago la doonayay in laga qaado gaadiidka ka howlgala degmada Mahaday iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Waxaa ku soo noqnoqda dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay ciidamada dowladu joogaan iskahorimaadyo dhex mara ciidamada kuwaasoo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.