Ciidamada Df Soomaaliya Oo Howlgallo Ka Sameeyay Baladweyne

26 total views, 1 views today

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay howlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada B/weyne.

Ciidamadan ayaa lagu arkayey iyaga oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena waxay galayeen guryaha si ay amniga u xaqiijiyaan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa sheegay in ciidamada ay baadigoobayaan rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo la rumeysan yahay iney ku dhuumanayaan xaafado ka tirsan B/weyne waa sidey hadalka u dhigeenne.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in Al-shabaab kasoo baxsaday duqeymaha ka socda qaar kamid ah gobollada dalka ay soo aadeen dhanka B/weyne iyo nawaaxigeeda.

Lahubo balse waxaa laqiyaasayaa in ay si dhuumaalaysi ah kusoo galeen magaalada baladweyn

Lasoco wixii kasoo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.