CabdulMudalib Iyo Ubadkiisii Qeytii Afraad 4

58 total views, 2 views today

Sayidkii Magaalada Makkah Waxa Uu Ahaa Cabdul-Mudalib, Waxaana Loo Dhalay Toban Wiil Iyo Lix Gabdhood. Waxayna Kala Yihiin. ( Cabaas, Diraar, Xamse, Miqwam, Xajal, Abudaalib, Zubeyr, Xaarith, Abu-Lahab Iyo Cabdullahi) Gabdhuhuna Waa ( Safiya, Umu-Xakiim, Caatika, Amiimah, Arwa, Iyo Birrah).

Cabaas Iyo Diraar Hooyadood Waa ( Nakiilah Bintu Janaab).Xamse, Miqwam, Xajal Iyo Safiya Hooyadood Waa ( Haala Bintu Wahayb Ibnu Cabdi-Munat). Abudaalib, Cabdullahi, Zubeyr Iyo Dhamaan Hablaha Waxa Dhalay ( Faatima Bintu Camru). Xaarith Waxa Isna Dhalay ( Samraa’ Bintu Jundub). Abu-Lahab Oo Magaciisa La Dhaho Cabdul-Cuza Waxa Dhalay ( Lubna Bintu Hajar Ibnu Cabdi-Manaf)

Cabdul-Mudalib Waxa Uu Nadar Ku Galay In Hadii Uu Aabo U Noqdo Toban Wiil In Mid Kamida Loo Gawraco Sanamka, Markii Eebe Siiyey Tobankii Wiil Ayuu Go’aansaday In Uu Mid Kamida Gawraco. Kadibna Caruurtiisii Ayuu U Qori Tuuray, Nasiibkiina Waxa Uu Ku Dhacay Cabdullahi Oo Ahaa Wiilka Ugu Yaraa, Looguna Jeclaa.

Cabdul-Mudalib Ayaa Isku Dayey In Uu Gawraco Cabdullahi Laakiin Madaxdii Reer Qureesh Ayaa Ka Hor Timid Una Diiday In La Gawraco Cabdullahi. Madaxdii Qabiilada Ayaa U Tilmaamay Cabdulmudalib Inuu U Tago Gabadh Joogta Xijaaz Oo Ahayd Faaliso La Shaqaysata Jinka.

Cabdul-Mudalib Waa Ku Qancay, Waxaanu Kaxeeyey Cabdullahi Isagoo Ka Rajo Qaba Naagta Faalisada Ah. Naagtii Markuu U Galay Ayuu Uga Waramay Ujeedadiisa, Kadibna Waxay Ugu Jawaabtay Inuu Soo Noqdo Barri, Si Ay Jinka U Waydiiso Xalka Arrintaas.

Subaxii Ayuu Utagay Naagtii, Waxayna Fartay In Loo Qori Tuuro Cabdullahi Iyo Diyada La Siiyo Reerka Uu Qofku Laga Dilo Oo Ahayd Toban Neef Oo Geela, Hadduu Qorigu Kusoo Baxo Cabdullahi Waa Inaad Kordhisaa Tirada Geela Illamaa Intay Qorigu Kusoo Baxayo Geela. Markay Tirada Geelu Maraysay 100 Neef Ayuu Qorigii Ku Soo Baxay Geelii.

Kadibna Way Farxeen Oo Boqol Halaad Ayuu Bixiyey Badalkeed  In La Gawraco Cabdullahi. Qoomkiisii Iyo Ehelkiiba Way Mabsuudeen, Isla Markiiba Cabdullahi Waxa Loo Maheriye Aamina Oo Uu Dhalay Sayidkii Reer Banu Zuhra. Kadibna Way Is Guursadeen Aamina Iyo Cabdullahi. Hase Ahaatee Guurkii Muusan Sii Waarin, Ee Waxa Geeriyooday Cabdullahi Isagoon Arag Wiilka Ay Aamina Uurka Ku Siday.

LASOCO QEYTA XIGTA INSHA ALLH

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.