Cabdikariin Xuseen Guled Oo Si kulul uga jawaabay Hadal Maanta Kasoo Yeeray Madaxweyna Puntland….

60 total views, 6 views today

(Warqaat.com)—Madaxweynihii Ugu Horeeyay Galmudug  Cabdikariin Xuseen Guulleed  Oo Ka Jawaabay Khudbadii Maanta Madaxweynaha Puntland Uu Kudhaleelay Xiligii Uu Madaxweynaha Ka Ahaa Galmudug  Sida Ay Aheyd Magaalada Galkacyo Iyo Dhibaato Ay Kawadeen Madaxda Galmudug .

HOOS KA AKHRISO

GAAS IYO GALMUDUGTII SHALAY

Waxaa dhageystay warka uu mudane Gaas ka jeediyey madashii lagu furayey maanta shirka Garawe, waxaanna aad ola yaabay warka xaqiiqada ka fog ee uu maamulkii Galmudug ee aan madaxda ka ahaa ku eedeeyay inuu dagaalka Gaalkacyo hurinayey.

Haddaba waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo in Galmudug ay aheyd maamul nabadeed, nabadda Gaalkacyana u jajabneyd mar kasta waxaana taas marqaati ka ahaa dhamaan mas,uuliintii ku soo baxay colaadda ee Soomaali iyo ajnabiba lahaa, ku waas oo si cad u arkayey gardarada iyo colaadda ay Puntland iyo Cabdiwali Gaas wadeen, ee ay oga soo horjeedeen jiritaanka maamul ee Galmudug, taasna waxaa daliil u ah in mar kasta cidda ergada nabadeed ay culuska saaraysay uu ahaa Cabdiwali Gaas iyo maamulkiisa, halka anaga dhankeena wax kasta oo na loogu yimaado ee nabadda ku saabsan ay miiska naga saarnaayeen, waxaa kaloo soomaali oo dhan ay marqaati ka aheyd hadaladii colaadeed ee uu mudane Gaas ka jeedinayey markasta goglaha nabadeed ee loo qabanayey nabadeyta Gaalkacyo.

Haddaba mudane Gaas marka uu is barbardhiyo Galmudugtii shalay iyo maanta malaha Galmidugta maanta waxuu ka helay oo uu ku heysta wax uu ka waayey Galmudugtii shalay waayo GALMUDUGTII SHALAY WAXAY AHEYD MID AAN MAGAN AHEYN OO U MADAX BANAAN SIYAASADAHEEDA IYO JIRITAANKEEDA, UNA TAAGAN DANAHA DADKEEDA IYO DEEGAANADEEDA, TAAS OO AYSAN CIDNA WAX UGU DHIBEYNIN.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit