Cabdi Maxamuud Cumar oo markale la horgeynaya maxkamad ku taala Itoobiya.

856 total views, 1 views today

Warqaat.Com:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis abab Ee Dalka itoobiya ayaa sheegaya in maanta lagu wado in la soo gabagabeeyo dhageysiga dacwada loo heysto Madaxweynihii hore Ee Gobolka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Afar jeer oo hore ayuu Cabdi Maxamuud Cumar ka  soo muuqday Maxkamad waxaana loo heystaa Dacwado ah in uu galay Dambiyo ka dhan ah bini’aadinada.

Sida qorshaha uu yahay Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenayaa Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee Gobolka Soomaalida Itoobiya iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa horey uga mid ahaan jiray.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yaalay magaalada Addis Ababa 27-kii  bishii hore,  Waxaase maanta la soo gabagabeenayaa dhageysiga dacwadaha loo heysto.