caawa Iyo Xaalka deegaanka Tukaraq oo dagaal culus ku dhexmaray S/land & P/land Maanta….

17 total views, 1 views today

War cawaa naga soo gaaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan,islamarkaana suurta gal ay tahay in saacad walba uu dagaal dhaco maadama Labadan Ciidan wali is hor fadhiyaan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney cabsi xooggan ay dareemayaan,taasi oo ku aadan in mar kale lagu kor dagaalamo.

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo dirirta dhexmartay ayaa warbaahinta hadalo kulul isku mariyay,taasi oo saacad kasta xiisada ka sii dari karto.

Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay ineysan waxba ku qaadaneyn qabsashada magaalada Garowe dagaalkana uu ku lug leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Garowe.

Puntlan oo war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegtay in ku eedeysay Somaliland iney wado daan daansi dagaal oo hadhow laga shaleyn doono.

Dhankeeda Somaliland,ayaa ku eedeysay Puntland iney dooneyso dhul balaarsi ay ka sameyso deegaanada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.