WAR HADA AH:-Rasaas Goos Goos ah Oo Laga Maqlay Tukaraq, Madagaalbaa Socda+Cidda Ridaysa.

20 total views, 1 views today

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in xiisad laga dareemayo duleedka deegaankaasi ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland.

Warar hoose oo warbaahinta qaarkeed heshay ayaa sheegaya in mararka qaar rasaas goos goos ah ay ridayaan ciidanka Soomaaliland oo cabsi ka qaba weerar kaga yimaada malayshiyaadka xoraynta gobolka Sool ee lasafan ciidanka dowladda Puntland.

Isu socodka gaadiidka dadweynaha ee gobolada Puntland iyo Soomaaliland ayaa ah mid caadi ah oo aan waxba iska bedelin.