Booliska Shabeelaha hoose oo ka hadlay Dhibaato ka jirta Inta u dhexeysa Afgooye iyo Wanla-weyn.

801 total views, 1 views today

Gaashaanle sare Cabdi Ibraahim Shaamow Taliyaha qeybta booliska G/Sh.Hoose oo la hadlay Warqaat.Com ayaa sheegay in Wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo wanla-weyn ay ka jiraan dhibaatooyin loo geysto Dadka Shacabka ah eek u safra wadadaasi.

Taliyaha ayaa Sheegay in Kooxaha dadka dhibka u geystay in aqoonsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa Sheegay in Tilaabo ay ka qaadi doonaan Burcada Dadka shacabka ah ku dhibaateeyo Wadada isku xirta Afgooye iyo Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii ugu dambeeyay Shacabka Soomaaliyeed eek u safra wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ayaa ka cabanayay dhac ay u geystaan Burcada hubeysan.