Biriq Xoolo ku leysay Galgaduud(SAWIRO)

41 total views, 2 views today

Ku dhawaad 100 neef oo ari ah ayaa ku nafwaayay kadib Markii ay haleeshay Biriq degaan u dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xoolaha ayaa ku sugnaa degaanka Dabayoodley ee degmada Guriceel, Galguduud, waxaana la sheegay in roobab ay saacaddihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka da’aayeen.

Qoyskii ay arigooda haleeshay Biriq ayaa waxaa u haray 10 neef oo kaliya sidda ay sheegayaan maamulka degmada Guriceel.