Barcelona oo xasuuqday Girona – Suarez oo sadexley dhaliyay & Coutinho oo shabaqa gaaray

19 total views, 1 views today

Barcelona ayaa xasuuq aan caadi aheyn u geysatay kooxda Girona iyagoo aad u dheereystay hogaanka horyaalka La Liga maadama ay 14-dhibcood ka fogaadeen Real Madrid sidoo kalana ay 10-dhibcood ka fogaadeen Atletico Madrid oo aan wali ciyaarin.

Barcelona waxey laheyd waji laga cabsado bilowgii maadama Valverde uu go’aansaday inuu garoon ku kulmiyo Messi, Suarez, Dembele iyo Coutinho kuwaas oo dhamaantood weerka ka qeyb galayay.

Barcelona gool ayaa looga naxsaday bilowgii ciyaarta waxaan ka dhaliyay xidiga Portu la yiraahdo, wuxuuna ahaa qalad ay wada geysteen Umititi iyo goolaye Stegen.

Barcelona durba waxey ka bixiyeen jawaab maadaama Messi uu kubad aan caadi aheyn u gudbiyay Suarez, isna wuu dhameystiray waliba iyadoo uu saaran yahay cadaadis xoog leh.

Lionel Messi ayaa laba gool is raacsaday, midna wuxuu ka xariiftamay laba difaac si uu goolkaas u dhaliy daqiiqadii 30-aad, midna wuxuu ahaa laad xor ah oo waliba si joog hoose ah loo dhaliyay, waxeyna aheyd khiyaano uu sameeyay xidiga reer Argentina.

Luis Suarez ayaa qeybta hore ciyaarta goolasha soo xiray, kubad hadiyad ah ayuu ka helay Coutinho kaas oo goolhayaha kubad usoo dhaafiyay si tartiib ah ayuuna shabaqa ugu shubay.

Qeybtii labaad Barcelona waxey dhalisay laba gool waxaana shabaqa soo taabtay Philippe Coutinho oo dhaliyay goolkiisii labaad ee waayahiisa Barcelona iyo goolkiisii koowaad ee La Liga.

Sidoo kale Luis Suarez ayaa sadexley dhameystiray, wuxuuna si fiican u dhameystiray kubad uu ku caawiyay Ousmane Dembele.

Natiijada waxey ku dhamaatay 6-1, Barcelona ayaa gaartay guul weyn, waxeyna durba sii adkeysteen hogaanka La Liga.