Avv. Tahliil “Ciidamadii Weeraray Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ma Heysan Wax Ruqsad Maxkamadeed”

23 total views, 2 views today

Avv. Tahliil Xaaji Axmed Oo Ah Qareenka U Doodaya C/Raxmaan C/Shakuur Ayaa Sheegay In Ciidamadii Weeraray Guriga Aysan Heysan Wax Ruqsad Maxkamadeed, Sidaas Darteed Qaabka Loo Maray Xariggiisa Ay Tahay Arrin Sharciga Ka Fog.

“Sharci Fasaxaya Ma Jirto In Saq Dhexe Loo Dhaco Guri, Lana Soo Xiro, Hadii Uusan Jirin Fal Dambiyeed Halis Ah, Xeer Ilaalinta Waxay Maxkamadda Ka Sheegtay In Aan Ruqsad Maxkamadeed Aanay Wadan”Ayuu Yiri Avv. Tahliil.

Waxaa Uu Sheegay In Xeer Ilaalinta Aanay Amarkeeda Kaliya Aheyn In La Soo Qabto, Balse Ay Aheyd In Maxkamad Fasax Laga Qaato, Isagoo Intaa Ku Daray In Sidaas Maxkamadda Ay Ugu Soo Baxdo In Aanay Jirin Sabab Waqtiga Loo Dheereeyo.

Xeer Ilaalinta Ayaa Maanta Laga Sugayaa Inay Keento Caddeymo Ku Filan Eedeynta C/Raxmaan C/Shakuur Oo Horay Xeer Ilaalinta Ugu Soo Oogtay Fal Dambiyeed Qaran Dumis Ah, Waxaana Mudada 24-Ka Saac Ay Ku Egtahay 6-Da Maqribnimo.

Gelinka Dambe Ee Maanta Ayaa Mar Kale Lagu Wadaa In Maxkamad La Soo Taago C/Raxmaan C/Shakuur, Iyadoo Maxkamadii Shalay Ay Goobjoog Ka Ahaa Ehelada Siyaasiga, Xildhibaano Iyo Dad Kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.