Askari Soomaali Ah Oo Xalay Dilay Nin Ajnabi Ah Oo Kusug Naa Gudaha Dalka…

15 total views, 1 views today

Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka  Bari Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Xalay  Magaaladaas Lagu Dilay Mid Ka Mid Ah Dadka Ajaanibta Ah Ee Ku Nool Boosaaso.

Goobjoogayaal Ayaa Waxa Ay Warqaat.Com U Sheegeen In Ninkaan Uu Toogtay Askari Ka Tirsan Ciidamada Ilaalada Hay’adaha Ee SPU Xaruntooda Magaalada Boosaaso.

Wararku Waxa Ay Sheegayaan In Qofkaasi Ajnabiga Ah Lagu Dilay Shaki Maadaama Ay Aheyd Xili Habeen Ah Isla Markaana Askarigii Falkaasi Geystay Uu Goobta Ka Baxsaday.

Masuuliyiinta Hay’adda SPU Iyo Kuwa Puntland Kama Hadlin Dilka Loo Geystay Ninkaasi Ajnabiga Ah,Waxaana Haatan Socdo Qorsho Lagu Soo Qabanayo Ninkii Ka Dambeeyay Dilka Ninkaasi U Dhashay Dalka Itoobiya Oo Xalay Lagu Dilay Boosaaso.