Antonio Conte Oo Qiray Inuusan Hurdin Habeenkii Iyo Sababta Oo La Ogaaday

24 total views, 2 views today

Tababaraha Kooxda Chelsea Antonio Conte Ayaa Qiray Inuu Waayay Hurdada Habeenkii Xilli Ciyaareedkaan, Isagoo Raadinaya Jawaab Deg Deg Ah Oo Ku Aadan Mustaqbalkiisa Inuu Ka Helo Maamulka Kooxdiisa.

Kooxda Heysata Horyaalka Premier League Ayaa Kujirta Kaalinta Seddexaad Ee Horyaalka, Iyagoo 15 Dhibcood Ka Hooseeya Kooxda Hogaanka Heysa Ee Manchester City.

Conte Oo Kooxdiisa Marti Galineysa Newcastle United Axada, Ayaa Sheegay Inuu Doonayo Inuu Horumarin Ka Helo Ciyaartooyda Chelsea.

“Ma Ahan Wax Sahlan Howsheena, Laakiin Waad Ogtahay Inaan Ku Noolahay Shaqo Xiise Weyn Iyo Jacayl Aan U Qabno,” Ayuu Yiri Tababaraha Talyaaniga.

“Sababtan Darteed Mararka Qaarkood Ma Seexan Karo, Markaad Wax Ka Qabato Xaaladaha Adag Waxaa Tahay Qof Seexan Kara “Ayuu Yiri Conte.

“Waxaan Isku Dayi Doonaa Inaan Sida Ugu Fiican U Ciyaarno, Ciyaartoyda Iyo Taageerayaasha Waa Inay Wada Jir U Dagaalamaan.

Chelsea Ayaa Kaliya Seddex Dhibcood Ka Dambeysa Manchester United Oo Kaalinta Labaad Ee Horyaalka Ku Jirta, Iyadoo 14 Kulan Uu Ka Haray Horyaalka Premier League.