ANIGA & MUQDISHO: Weriye 16 Sano kadib ku soo noqday Caasimadda oo ka qoray Maqaal xiiso leh

21 total views, 1 views today

Haddii aan si kooban u dhigo Xaalka Magaalada Muqdisho ee aan maanta joogo, waxaan dhihi lahaa:

– Xaafaddii aad Magaalada ka degganaan jirtay oo marka aad timaado ay kugu adagtahay inaad aragto Dadki aad taqaanay ee ku noolaan jiray. Ma aqaan inay Dalka ka haajireen iyo inay Xaafado kale u guureen.

-Dad cusub oo xataa aysan garaneyn Dadka tirada yar ee ka haray kuwii Asaliga ahaa.

-Xaafadihii oo aad isku beddelay markii inta badan Guryihii Jiingadaha ka sameysnaa loo beddelay Saro Villo iyo Dabaqyo isugu jira.

– Jid-caddeyaashii Xaafadaha dhex mari jiray oo sidii ay ahaan jireen lagu soo celiyey marki la bur buriyey dhismayaashii Sharci darrada looga dhistay meelo aan loogu talagalin iyo Guryihii waddooyinka soo galay. Arrintan waxay Dadku si isku midka ah abaal uga hayaan Duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Tarsan.

-Dadki muuqaaga aqoon jiray oo haddii aad la kulanto ay badankood ku adagtahay inay ku gartaan, Waayeel iyo Da’ dhexe intaba. Haddii aad Sababta weydiiso waxay si isku mid ah kuugu sheegayaan inay ugu wacantahay Duruufihii adkaa ee ka dhashay Dagaaladii Dalka ka dhacay gaar ahaan kuwii ay ku lug lahaayeen Ciidamadii Itoobiya oo Khasaare Naf, Maal iyo mid Maskaxeed ba reebay iyo Cadaadiskii, Cabsi gelintii iyo dilkii ay Dad badan u geysteen Kooxda dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya.

-Dad wada mashquul ah oo maalinta aad heli kartaa ay tahay tan Jimcaha. Dadka badankii waa mid shaqeeya iyo mid Waxbarasho u kalaha aroor soo gashaba. Ma dafirayo inay jiraan Dad intaas ba aan heysan oo magaalada ku nool.

-Magaalo wada Dhakhtar ah oo kii aad ku ogeyd inuu Farmashiye Dawooyin aan tayadooda cidi hubsan lahaan jiray maanta yahay Dhakhtar ay safaf dhaadheer ugu jiraan Bukaanno Haween iyo Dhallaan aad u da’yar u badan. Ma maqal Taqasus Xirfadeed oo ay diyaariyeen intii aan is moogeyn.

-Magaalo aan iska warqabin oo wixii geesta kale ka dhaca aan laga ogeyn dhinaca kale. Haddii ay jirto Xiisad Siyaasadeed Saameynteeda waxaa laga dareemaa oo kaliya Hoteelada ay Siyaasiyiintu isugu tagaan iyo Warbaahinta bulshada oo ay si ka bad badis ah ugu baahiyaan Qurbe-joog badankood la xanuunsan Qabyaalad.

-Magaalo shaqaalaha Dowladda , Madax ilaa Mijo aysan soo dhaafin Waddada Wadnaha oo uu ka bilowdo Xeyndaabka Dowladdu. Inta aan arkay, laga soo billaabo Tarabuunka ilaa Isgoyska Sanca jid cadde kasta waxaa lagu gooyey Dhagxaan culus, waxaa lagu baarayaa kaliya Marka aad galeyso Qeybta Bari ee magaalada.

Labada Qeybood ee magaaladu u kala qeybsantahay, marka amaanka laga hadlayo waxay Dadku ku niyad sanyihiin qeybta aysan Dowladdu Habeenkii ka howlgalin. Waxaa jira Baro ay joogaan Ciidamo inay Amaankii Dadka sugaan iska daaye iyagii Dhagxaan isku wareejiyey oo aan bannaanka uga soo bixin Saldhigyadooda.

-Gaadiid ay kaxeynayaan Wadayaal aad mooddo inaysan waligood soo baran Shuruucda Waddo marista. Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, Gaadiidka Dadweynaha ee Magaalada ka shaqeeya waxaa kusoo kordhay Mooto saddex lugood leh oo Bajaaj loo yaqaan. Waa Gaadiid qiimaha lagu raacaa jabanyahay, ka fudud Baabuurta caadiga ah kana deg deg badan oo luuq kasta ka dusi karta, walow ay aad u xasil daranyihiin Inta badan Ragga wada ee ku shaqeeya.

WAXBARASHADA

Waxaa magaalada aad ugu yar amaba aan jirin Dugsiyadii Waxbarashada ee Dowladdu maamuli jirtay, waxaana isla Goobihii dadka ka dhaxeeyey loo rogay Kuwo ay Dad gaar ah ku shaqeystaan oo ay dhigtaan kaliya Ardayda Waalidkood awoodo Lacagta Ardayga laga qaado. Kuwa aan awoodin iyaga Alle ayaa u maqan. Intaas waxaa dheer, Jaamacado aan Ruqsad Dowladeed u baahneyn oo uu Qofkii doono iska furtay, Tayadooda iyo Manhajkooda cidi isma weydiiso.

CAAFIMAADKA.

Magaalada Khatar Caafimaad oo dhab ah ayaa ka jirta. Ninkasta Goob caafimaad oo u gaar ah ayuu furtay, ha ahaado Dhaqtar Xirfad le ah ama Beenaale dadka ku laayey Daweyn qalad ahe, badankood waxay ka simanyihiin in Bukaankii u tagaa kasoo laabto isaga oo Bac buuxda oo Dawooyin ah sita, Shalay oo kaliya waxaan la kulmay ugu yaraan labo Bukaan oo Bacooyinka Daawo uga buuxdo. Looguma qorin Baahida Caafimaad ee Bukaanka heysa ee waa laga ganacsanayaa oo lacagta uun laga guranayaa.

Wali waa Khatar jirta labaatan sano ka horna soo jirtay in Dhaqtarku Bukaankiisa u qoro Daawo Goobtiisa uun laga helo. Tayo xumida Daawada ay dadka ka iibiyaanna waa halis kale oo Dadka Soomaaliyeed heysata, tiiyoo aysan jirin Hay’ad la socota Tayada wax Dalka soo galaya.

-Guud ahaan kobaca Dhaqaale ee magaaladu waa mid muuqda, marka la fiiryo Dhismayaasha xowliga ku socda ee magaalada laga dhisayo, sida Hoteelada, Rugaha Waaweyn ee Ganacsi oo u dhisan qaabka kuwa ku yaalla Dalalka kale ee Caalamka. Dib u dhiska ballaaran ee lagu sameynayo magaalada qeyb kama aha Goobihii Dowladdu lahayd, iyaga ayaana ugu badan Daaraha bur bursan ee magaalada fool xumeynaya,

NABAD-GELYADA.

-Marka laga reebo Qarax dhaca, inkastoo uusan dhicin tan iyo markii aan imid 15 maalmood ka hor, Muqdisho waa magaalo nabdoon oo aad habeen barkii mari karto meelkasta.

Markase aad Qurbaha joogto wax aan Hoog iyo Ba’ ahayn dhegahaagu maqli maayaan.
Sida in Qof saaxibkaa ah oo qurbaha lagu jaha wareeriyey kusoo waco misna ku weyddiiyo wax aan Magaalada ba ka jirin.

Tusaale gaaban waxaa ii ah markii todobaadkii hore Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur gurigiisa lagu weeraray ee la xiray ayaa nin Saaxibkey ah Waddan Yurub ku yaalla iga soo wacay xilli ay habeen barkii kusii dhaweyd. Wuxuu i weydiiyey in xiisaddii weerarkaas ka dhalatay darteed ay Magaaladu gashay jawi Beeleed oo meelo la kala xirtay.?. Waxaase xaqiiq ah inaan Magaalada laga dareemin waxa Saaxibkey loogu sheekeeyey, Jidad Beelo xirteen iskaba daaye. Mase dafiraayo in Xafiisyada Dowladda iyo Hoteellada Siyaasiyiintu fariistaan laga dareensanaa.

W/Q: Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)- Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.