Amniga Safaarada Imaaraadka Ee Muqdisho Oo La Adkeeyay Iyo Ciidamo Farabadan Oo Lagu Daadiyay

17 total views, 1 views today

War Goordhow Nasoo Gaaray Ayaa Sheegaya In La Adkeeyay Amniga Safaarada Imaaraadka Carabta Ee Magaalada Muqdisho.   Afafka Hore Iyo Daafaha Safaarada Ayaa Waxaa Lagu Arkayaa Ciidamo Farabadan Oo Kamid Ah Kuwa Soomaalida Ee Daacada U Ah Imaaraadka Isla Markaana Ay Tababarteen.

Adkeynta Amniga Safaarada Ayaa Timid Kadib Markii Ay Soo Baxeen Warar Sheegaya In Laba Sarkaal Imaaraati Ah Oo Ka Tirsan Tababarayaasha Ciidamada, Ay Kusoo Baxeen Xogo Muujinaaya Inay Kaalin Ka Qaaten Amarkii Lagu Weeraray Hooyga Cabdi Qeybdiid.

Ciidamada Daacada U Ah Imaaraadka Ayaa Jaray Dhammaan Waddooyinka Hareeraha Kamara Safaarada, Waxaana Halkaa La Dhigay Dhagxaan Caadi Ah Oo Ka Turjumeysa Inaan La Mari Karin Seedka Safaarada.   Mid Kamid Ah Ciidamada Ilaalada Ka Ah Safaarada Ayaa Xaqiijiyay In Amar Lagu Siiyay Inay Adkeeyan Amniga Waxa Uuna Tibaaxay Ay Mamnuuceen Dhammaan Dhaqdhaqaaqyada Waddooyinka Gala Iyo Kuwa Ka Baxa Safaarada.

Sidoo Kale, Waxa Uu Sheegay In Arrimo Ku Aadan Amniga Aawgii Xitaa Loo Fasaxay Shaqaalaha Qaarkii Waxa Uuna Tilmaamay In Arrintaan Ay Tahay Mid Dhalatay Wixii Ka Danbeeyay Weerarkii Ay Ciidamada Soomaalida Ee Daacada U Ah Imaaraadka Ku Qaaden Hooyga Cabdi Qeybdiid.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Warar Aan La Xaqiijin Ayaa Sheegaya In Sairka Imaaraadka Ee Somalia Uu Isaga Baxay Magaalada Muqdisho, Iyadoo Aan La Xaqiijin Sababta Safarkiisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.