Ammaanka Garoowe Oo Guud Ahaan Aad Loo Adkeeyay Iyo Askar Laga Soobuux Shay Magaalada…

16 total views, 1 views today

Ciidamada Puntland ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo la filayo in maanta oo Axad ah uu gaaro madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Guud ahaan magaalada Garoowe waxaa lasoo buuxiyey ciidamo u badan kuwa gaarka ah ee Puntland, iyadoo magaaladaasi laga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha.

Shalay waxaa magaalada Garoowe tagay wafdi horudhac u ah madaxweynaha, kuwaasi oo usii gogol xaaraya soo dhoweyntiisa.

Madaxweynaha ayaa u tagaya magaalada Garoowe arrimo ay ugu horreyso xarig jarka garoonka cusub ee diyaaradaha Garoowe.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.