Alan Shearer Oo Si Layaab Leh U Sharaxay Awoodii Mesut Ozil Ku Sameeyay Kulankii Tottenham

21 total views, 1 views today

Mesut Ozil Ayaa Ahaa Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Kooxda Arsenal Kulankii Ay Shalay Wajaheen Kooxda Ay Xifaaltamaan Ee Tottenham.

Qabiirka BBC Sport Alan Shearer Ayaa Aaminsan In Mesut Ozil Ahaa Xiddig Si Dhab Ah Ugu Jiray Garoonka Kulankii Ay Kooxdiisa Ka Badisay Spurs.

Arsenal Ayaa Garoonkeeda Emirates 2-0 Kaga Badisay Tottenham, Iyadoo Soo Afjartay Shan Kulan Xiriir Ah Oo Aysan Kaga Badin Gurigeeda Tottenham.

Tababare Arsene Wenger Ayaa Guushaan Kaga Mahadceliyay Shkodran Mustafi Iyo Alexis Sanchez Oo Dhaliyay Labada Gool Ee Arsenal.

Laakiin Qabiirka BBC Sport Alan Shearer Ayaa Sheegay In Mesut Ozil Uu Kasoo Kabsaday Qaab Ciyaareedkiisii Xumaa Ee Gunners, Islamarkaana Uu Ahaa Shalay Ninkii Ugu Fiicnaa Ciyaarta.

“Ozil Ayaa Lagu Dhaleeceeyay Qaab Ciyaareed Xun Inuu Ka Sameeyay Kulamo Waa Weyn, Laakiin Shearer Ayaa U Sheegay Ka Sheegay Barnaamijka BBC Match Of The Day “Maanta Ozil Lagama Raadin Garoonka.

Ozil Iyo Saaxiibkiisa Ay Isku Kooxda Yihiin Sanchez Ayaa La Filayaa Inay Ka Tagaan Gunners Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Laakiin Wenger Ayaa Kalsooni Ku Qaba In Ay Sii Joogi Karaan Labada Ciyaartooy Haddii Kooxda Ay U Ballan Qaado Mushaarka Ay Dalbanayaan.

Isagoo La Hadlayay Saxaafada Kadib Guushii Ay Ka Gaareen Spurs, Wuxuu Yiri: “Waxaan Ku Qanacsanahay Qaabka Ay U Jecel Yihiin Kooxda, Waxaan Isku Dayi Doonaa Inaan Qancino Iyaga.

“Waxaan Rumeysanahay Inay Jecel Yihiin Kooxda Islamarkaana Ay Doonayaan Inay Joogaan, Laakiin Waxaa Jira Kooxo Kale Oo Qandaraas Fiican Usoo Bandhigaya Ayuu Hadalkiisa Ku Daray Wenger.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.