Al-shabab oo sheegay in 5 Askari oo AMISOM ah ku dileen qaraxii saaka

18 total views, 2 views today

Xarakada Al-shabab ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ku dileen Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa intaas ku daray in Gaariga Ciidanka AMISOM ee la qarxiyay uu ku bur buray weerarkaas,islamarkaana askarta dhimatay ay arkeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo degaankaas ku sugnaa sida ay sheegeen.

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ay galbinayeen saraakiil ajaanib ah oo la shaqeeya Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Todobaadk ka hor ayaa sidan oo kale Ciidanka AMISOM waxaa lagu qarxiyay Waddada Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse oo ku dhacda Waddada Warashadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.