Al-Shabaab oo Warqado digniin ah ku daayay Beledxaawo.

2,804 total views, 5 views today

Warar ay heshay Warqaat.Coom ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay warqado digniin ay ku daadiyeen xaafadaha degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.

Dadka shacabka ayaa waxaa looga digayay in aysan la shaqeyn ka jirin Maamulka degmada Beledxaawo, islamarkaana waxaa ay sheegeen in cidii arintaasi ay ku arkaan tilaabo ay ka qaadi doonaan, sida ay Warqaat.Com u sheegeen Dadka Deegaanka oo diiday Magacooda loo adeegsado warbaahinta.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay cadaadis xoog leh ay saareen Degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.

Arintan ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo ay amaro dul dhigeen xaasaska Al-Shabaab ee ku sugan Degmadaasi, kaasi oo ku aadan in ay si deg deg ah uga baxaan Xaafadaha degmada Beledxaawo ee Gobalkaasi.

Warar Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay badan ka afduubteen degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.

Cabsi badan ayaa Maanta ka jirta degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo, taasi oo soo Wajahday dadka Shacabka ee Ku nool Degmadaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo, iyagoona weerar ku qaaday Saldhiga iyo Xarunta degmada Beledxaawo ee Gobalkaasi.

Xiisad u dhexeeysa Al-Shabaab iyo Maamulka degmada Beledxaawo ayaa aad looga dareemayaa xaafadaha degmada iyo duleedka degmada Beledxaawo ee Gobalkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyo militari ayaa ka soconaya deegaano dhow degmada Beledxaawo, kuwaasi oo sameynayan Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Lama oga sida uu noqon doono xaalka degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo.