Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Gaari Khudaar Siday Oo Diyaaradaha Mareykanka Duqeeyeen

26 total views, 1 views today

Warbaahinta Taageerta Al-Shabaab Ayaa Soo Bandhigtay Sawirrada Gaari Caasi Ahaa Oo Khudaar Siday, Kaasoo Xalay Diyaaradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ee Mareykanka Ku Duqeeyeen Agagaarka Deegaanka Mubaarak Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarada Drone Ayaa Gantaal Ku Dhufatay Gaariga Caasiga Oo Khudaar Ku Rarnaa, Hase Ahaatee Ma Jirto Wax Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay, Marka Laga Reebo Inay Soo Gaartay Burbur Lixaad Leh.

Wararka Ayaa Sheegaya In Xilligii Duqeynta Dhaceysay Darawalkii Gaariga Iyo Kirishboyga, Ay Ka Maqnaayeen, Isla Markaana Ay Jiif U Aadeen Gudaha Mubaarak.

Duqeymaha Ay Geysanayaan Diyaaradaha Duuliyaha Laheyn Ee Mareykanka Ayaa Maalmihii La Soo Dhaafay Sii Kordhayay, Waxaana Ay Khasaare Ka Soo Gaartay Dad Rayid Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.