Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo…

24 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wararka Anu Ka Heleyno Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay,Ayaa Sheegaya In Qarax Miinada Nuuca Dhulka Lagu Aaso Lala Eeg tay Gaari Uu La Socday Guddoomiyaha Degaanka Awdiinle Ee Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya.

Qaraxa Ayaa Sida La Sheegay Waxa Ku Dhaawacmay Guddoomiyaha Degaanka Awdiinle Mas’uulka Lagu Magacaabo Cali Bakoow,Kaas Oo La Soo Warinayo In Uu Qaraxasi Uu Ku Dhawacmay,Isla Markaana Loo La Cararay Mid Ka Mid Ah Isbitaalada Ku Yaalla Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Kooxda Al-Shabaab Ayaa Barta Internet-Ka Ay Ku Lee Yihiin Waxa Ay Sheegteen In Ay Qarax Miino Ay La Beegsadeen Gaari Uu La Socday Guddoomiyaha Degaanka Awdiinle,Isla Markaana Qaraxasi Ay Dhaawac Culus Ay Gaarsiyeen Asiga Iyo Sarkaail Kale Oo La Socday Gaarigiisa.

Sikastaba Ha Ahaate Marka Laga Soo Tago Hadalka Ka Soo Baxay Kooxda Al-Shabaab, Ayaa Ilaa Iyo Hadda Waxa Jirin cid Si Rasmi Ah U Xaqiijin Karta Khasaaraha Ka Dhashay,Iyadoona Xusid Mudan In Ilaa Iyo Hadda Aysan Ka Hadlin Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Qaraxa Maanta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Byadhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.