Al-Shabaab oo Sheegtay in Askar ay ku dileen Muqdisho.

459 total views, 10 views today

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay kaga hadleen Qaraxyadii Saakay lala beegsaday Ciidamo Ka tirsan AMISOM oo marayay isgooska Ex-Control Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ay dileen, halka 7 kalana ay ku dhaawaceen qaraxyadii ka dhacay isgooska Ex-Control Balcad.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegay in qaraxyada ay la beegsadeen gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamada AMISOM , Waxaa ayna tilmaameen in ay waxyeeloay soo gaartay sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha AMISOM, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxyadii ka dhacay isgooska Ex-Control Balcad ee Magaalada Muqdisho.