Al-shabaab & Ciidanka Itoobiya oo ku dagaallamay Hiiran, Gaadiid Dagaal oo la gubay

19 total views, 2 views today

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel-gaal ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Halkaas ay ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ku dagaallameen iyadoo inta dagaalka uu socday lagu gubay Gaadiid dagaal.

Al-shabaab ayaa weerar jid gal ah ku qaaday Ciidamada Itoobiya oo ka yimid Gobolka Galgaduud, kuna socday dhanka Beledweyne, waxaana weerarkaas ay shabaab ku sheegteen in ay ku gubeen Gaari nuuca Ciidamada qaada ah.

Taliska Booliska ee magaalada Beledweyne oo ka hadlayay Khasaaraha ka dhashay weerarkaas waxay sheegeen in 3 Askari looga dilay Shabaab mase sheegin Khasaaraha kasoo gaaray Itoobiyaanka.

Dhanka Al-shabaab qoraal ay soo dhigeen Baraha lagu faafiyo wararkooda waxay ku sheegeen in 4 Askari oo Itoobiyaan ahna ay weerarka ku dileen Gaari weyn oo Nuuca ciidamada ahna Gubeen.