Akhriso:Liiska Mashaariicda Dowladda Qatar Ka Fulineyso Muqdisho

22 total views, 1 views today

Waxaa Si Rasmi Ah Maanta Loo Shaaciyey Mashaariic Ay Dowladda Qatar Ka Fulineyso Soomaaliya Oo Ah Kuwii Ugu Horeeyay Ee Horumarineed Ee Dal Carbeed Ka Fuliyo Soomaaliya.

Mashariicdan Oo Hore Ay Labada Dowladood Isugu Afgarteen Ayaa Kooban Jidad, Dhisme Xarumo Dowladeed Iyo Shaqo Abuur, Waxaana Ku Baxeysa Lacag Dhan 200 Milyan Oo Doolar Sida Uu Ku Dhawaaqay Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dalka Qatar Khaliif Bin Jasim.

Liiska Mashaariicda Dowlada Qatar Ka Fulineyso Soomaaliya Waxay Kala Yihiin:

1- Dhismaha Wadada Muqdisho & Afgoye [30 KM]
2- Dhismaha Wadada Muqdishu & Jowhar [90 KM]
3- Dib U Dhiska Dhismaha Xarunta Xisbiga Oo Fadhiga Xukuumada
4- Dib U Dhiska Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta
5- Dhismha Machadka Diblomaasiyaddaeee Wasaarada Arimaha Dibadda
6- Mashruuc Shaqo Abuur Iyo Waxbarasho
7- Dayactirka Xarunta Dowlada Hoose Ee Muqdisho.

Fulinta Mashaariicda Ayaa La Sheegay Inay Fulin Doonaan Shirkado Turki Ah, Iyadoo Dowladda Turkiga Ay Qeyb Ku Lahayd Sidii Dowladda Qatar Looga Dhaadhiciyay Inay Maalgeliso Mashaariicdan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.