AKHRISO: Wiil Hooyadiisa ku dilay Mareykanka

294 total views, 1 views today

Saraakiisha amaanka Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa wiil 15 jir mareykan ah ku eedeeyay in uu hooyadiisa dilay ka dib dood ka dhalatay dhibco yar oo uu imtixaanka iskuulka uu ka keensaday.

Wiilka ku eedeysan dilka hooyadiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Gragory Ramos halka hooyada la dilayna magaceedu uu ahaa Gail Clevenger oo 46 sano jir aheyd.

“Muran dheer Ka dib wiilka ayaa hooyadiisa u gacan qaaday maadama sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen hooyadu marwaliba ay aheyd qof ad adag oo aad u canaanatada wiilkeeda, weli waxaan wadnaa baaritaanada waxaana heynaa wiilka lagu eedeeyay dilkaan”sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay taliyaha Booliska deegaanka Volusia ee Gobolka Florida Micheal Chitwood.

Waxaa la sheegay in iskuulka uu dhaqsi kasoo laabtay, hase ahaatee soo laabashadiisa ay hooyadiisa ay ku canaanatay balse wiilki uu u gacan qaaday sida ay booliska deegaankaasi ay shaaciyeen.

Xigasho: Press TV