AKHRISO: Wax Badan Ka Baro Shaqsiyada Wasiirka Cusub Ee Gaashaandhiga Somalia…

20 total views, 1 views today

Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre Ayaa Bishan November 26-Keeda Waxaa Uu Wasiirka Gashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Ah U Magacaabay Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa Ay Akhristayaasheena U Soo Gudbineysaa Taariikh Nololeedka Wasiirka Cusub Ee Gashaandhigga.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Waxaa Uu Ku Dhashay Magaalada Baydhabo 1957-Dii, Isla Magaaladaas Ayuu Ku Qaatay Waxbarashadiisa Illaa Dugsi Sare Isaga Oo Ka Baxay Dugsiga Sheekh Aweys, Baydhabo Qeybta Adabka.

2014: Jaamacadda Culuum Iyo Tecknolojiyada Ee Sanca, Yemen Waxaa Uu Ka Dhameeyay Cilmiga Arrimaha Bulshada.

Hadda Waxaa Culuumta Xiriirka Caalamiga Iyo Dilbloosiyada Ka Dhigtaa Jaamacad Ku Taalo Dalka Uganda.

Shaqooyin:
1993-95: Guddoomiye Ku Xigeen Magaalada Baydhabo.
2000 Wixii Ka Dambeeyay Waxaa Uu Ku Howlanaa Arrimaha Banii’aadnimada, Waxyaabaha Uu Qabtay Waxaa Ka Mid Ahaa Isaga Oo Aasaasay Wabiyow Community Development Association: Alqamar Tecknology Center Ayuu Halkaasi Ka Hirgeliyay Oo Markii Ugu Horeysana Technology-Geliyay Dadka Reer Baydhabana Baray, Ku Sameeyay Dayactir Biyo Mareen-Ka Iyo Tubooyinka Baydhabo 2001kii, Masaajidyada Uu Biyo Geliyay Iyo Arrimo Kale.

2009: Xildhibaan Ayuu Ka Noqday Dowladdii TFG Isaga Oo Isla Sanadkaas Xukuumaddii Cumar Cabdirashid Ka Noqday Wasiir Hantida Qaranka.
2012: Waxaa Loo Magacaabay Safiirka Turkiga, Isaga Oo Wax Badan Ka Qabtay Dhismaha Iyo Qaabeynta Safaaradda Muddo 3 Sano Ayuu Jagadaasi Hayey.
2015: Mar Kale, Xukuumadda Cumar Cabdirashid Ayaa Loo Magacaabay Wasaaradda Tamar Iyo Biyaha
2016: Waxaa Baydhabo Loogu Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Xildhibaannada Golaha Shacabaka
November 26, 2017: Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre Ayaa U Magacaabay Wasiirka Gashaandhigga.

Source: Goobjoog

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.