AKHRISO:-War Murtiyeed Si wadajir ah looga soo saaray Shirkii hoggaamiyeyaasha Somalia, Itoobiya iyo Eritrea

1,513 total views, 3 views today

Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo war murtiyeedka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

war murtiyeed ka ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya.

war murtiyeed ka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud.

HOOS KA AKHRISO