Akhriso:-Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre Ee Imaaraadka

???????

20 total views, 2 views today

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Galabta Ka Amba Baxay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Isagoo Ku Sii Jeeda Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Iyo Wafdigiisa Oo Ay Kamid Yihiin Xubno Ka Tirsan Golihiisa Wasiirada Ayaa U Amba Baxay Magaalada Dubai Ee Xarunta Isutgga Imaaraadka Carabta,Kadib Casuumaad Uu Ka Heley Madaxda Dalkaasi.

Waxaa Ku Sii Sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ra’’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafdigiisa Inta Ay Joogaan Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta Ayaa Waxa Ay Madaxda Dalkaasi Kala Hadli Doonaan,Arrimo Ay Kamid Yihiin Xoojinta Xiriirka U Dhexeeya Labada Dal Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.

Dalka Imaaraadka Carabta Ayaa Kamid Ah Wadamada Daneeya Arrimaha Soomaaliya,Waxaana Dowladda Soomaaliya Ay Dadaal Xoogan Ugu Jirtaa Xoojinta Xiriirka Dhinaca Diblomaasiyadda Ee Kala Dhexeeya Wadamada Caalamka.