Akhriso: Saraakiil ka tirsan Puntland oo Shaqada laga eryay.

1,111 total views, 2 views today

Warqad ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu shaqada ka eryay Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta  Puntland.

Saraakiisha Shaqada laga eryay ayaa waxaa ay ka soo horjeesteen shirkii dhawaaan lagu qabtay Magaalada Garoowe, kaasi oo u dhexeeyay Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Galmudug.

Halkan ka akhriso Saraakiisha Magacyada shaqada laga eryay.

1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)

2. G/Sare Maxmed Cali Qase

3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud  (Ayax)

4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali   (Dhancad)

5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi   (Dhalo muro)

6.      G/Le Maxamuud Cali Xirsi  ( Afgaab)

7.      Dhame Cumar Aadan Cabdi  (Boolo Boolo).

Dhanka kale Saraakiisha la ruqsiiyay ayaa waxaa la sheegay in ay ka horyimaadeen, go’aanka ka soo baxay madaxweynaha maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa hada waxaa ka sii dhamaanaya waqtigii looga tala galay, iyadoona dhawaan magaalada Garoowe lagu qaban doono Doorashada madaxweynaha Maamulkaasi.