Akhriso:-Sababta Loo Xiray Wariyaha Idaacadda Voa-Da Ee Gaalkacyo

22 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Wararka Aan Ka Heleyno Magalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Ciidamada Nabadsugida Soomaliya Ee Ku Sugan Gaalkacyo Ay Xireyn Wariye Ka Tirsan Idaacadda Voa-Da.

Wariyaha Oo Lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Macalin Isaaq,Ayaa Saraakiil Ka Tirsan Maamulka Galmudug Ay Sheegeen In Loo Heysto War Uu Ku Qoray Wabsite Kaas Oo Uu Kaga Hadlay Dagaaladii Dhawaan Ka Dhacay Koonfurta Gobolka Mudug,Isla Markaana U Dhaxeeyey Al-Shabaab Iyo Dadka Shacabka Ah.

Majirin War Istaasi Dhaafsan Oo Laga Bixiyey Xariga Wariye Cabdi Waaxid Macalin Isaaq Oo Idaacadda Voa-Da Wararka Uga Dira Magalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xariga Wariyaha Ayaa Ku Soo Aadaya Xilli Maanta Magalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan Lagu Xiray Wariye Cabdi Shakuur Maxamed Xasan Oo Ka Tirsan Idaacadda Codka Hiiraan Ee Baladweyne Wallow Markii Dambe Lasiidaayey.