Akhriso:- Magaca Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Taliska Xoogga Dalka Ay Sheegeen In Uu Isku Soo Dhiibay

15 total views, 1 views today

Sarkaalkaan Oo Al-Shabaab U Qaabilsanaa Sameynta Miinooyinka Iyo Qaraxyada Waaweyn Ayaa Lagu Magacaabaa Caddow Macalin Isxaaq, Waxaana Uu Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, Gaar Ahaana Taliska Qeybta 60-Aad Ee Xoogga Dalka.

Saraka Alkaan Ayaa Si Gaar Ah Alshabaab Ugu Qaabilsanaa Gobolada Jubbada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Banaadir Iyo Deegaano Kamid Ah Gobolada Dhexe Ee Dalka, Waxaana Uu Al-Shabaab Sida Ay Sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Caddow Macalin Isxaaq Ayaa Sheegay In Isaga Iyo Dhalinyaro Kale Oo Ka Bar Bar Dagaalamaysey Al-Shabaab Si Gaar Ah Ay U Taabatay Weerarkii 14-October Ee Isgoyska Zoobe, Taasina Ay Keentay In Dhalinyaro Badan Ay Go’aansadaan In Ay Isaga Soo Baxaan Maleeshiyaadkaasi.

“Waxaan Marqaati Kasoo Noqday In Ay Been Abuur Tahay In Al-Shabaab Ay Diin U Dagaalamayaan, Si Arxan Daro Ah Ayey U Laayaan Dadka Soomaaliyeed, Taas Ayaana Garanay Aniga Iyo Dhalinyaro Kale Oo Hadda Isku Dayaya Iney Isaga Soo Tagaan”Ayuu Yiri Caddow Macalin Isxaaq.

Ismaaciil Khaliif Shire Abaanduulaha Qeybta 60-Aad  Ee Ciidanka Xoogga Dalka Ayaa Uga Baaqey Raga Weli Ka Barbar Dagalamaya Al-Shabaab In Ay Ku Daydaan Caddow Oo Ay Isoo Dhiibaan . Waxaana U Balan Qaadey In Si Wanaagsan Loo Soo Dhaweyn Doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/Llaahi Farmaajo Ayaa Dhowr Jeer Sheegay In Dowladdu Ay Cafis U Fidinayso Dhalinyarada Ay Qaldeen Alshabaab,Haddii Ay Isku Soo Dhiibaan Dowladda.