AKHRISO: Madaxweyne Muuse Biixi oo wareegto xilal cusub ugu magacaabay shaqsiyaad caan ah

17 total views, 2 views today

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222­15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya­aragnimadooda

Shaqo;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa

Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La­tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka

Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.