AKHRISO: Madaxweynaha Jabuuti Oo Fariin Lama Filaan U Soo Diray Siyaasiyiinta Ku Dhegan MD Farmaajo

19 total views, 1 views today

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Ayaa Ugu Baaqay Siyaasiyiinta Mucaaradka Ku Ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo Ee Ku Sugan Gudaha Iyo Dibadda Soomaaliya Iney Joojiyaan Dhaliilalaha Aan Wax Dhiseyn Ee Habeen Iyo Maalin Lala Garab Taagan Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu Sheegay Madaxweyne Geelle Iney Muhiim Tahay In Fursad La Siiyo Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre Si Ay Ugu Soo Bandhigaan Shacabka Soomaaliyeed Qibradda Hogaamineed Ee Maskaxdooda Ku Jirta.

Sidoo Kale,Mr Geelle Ayaa Hoosta Ka Xariiqay Inaan La Diidaneyn In La Mucaarado Dowladda Dowladda,Balse Aan Muhiim Ahayn In Xitaa La Dafiro Waxyar Ee Shacabka U Qabtaan.

“ Dowladda Hadda Soomaaliya Ka Jirta Waxay Ku Timid Rabitaan Shacab Oo Wakiilada Shacaka (Baarlamaanka) Ay Aqbaleen Marka Waxaa Muhiim Ila Ah In Fursad Iyo Waqti La Siiyo Si Ay Bulshada Ugu Adeegaan’,Ayuu Yiri Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle Oo Warbaahinta Kula Hadlayay Magaalada Jabuuti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.