AKHRISO: Koonfur Galbeed oo digtay Siyaasiyiinta ku sugan degaanadeeda

13 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ayaa Siyaasiyiinta Maamulkaasi Ugu Baaqay Iney Ilaaliyaan Xasiloonida Degaanada Koofur Galbeed.

Maamulka Ayaa Sheegay In Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Degaanada Koofur Galbeed Ay Xaq U Leeyihiin Iney Doorashada Hogaanka Maamulka Ka Qeyb Galaan Balse Aan Laga Ogolaan Doonin Iney Qal Qal Geliyaan Shacabka Oo Ay Gudaha Magaalada La Soo Galaan Ciidamo Badan.

Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay In Siyaasiyiinta Loogu Baahan Yahay Iney Ilaaliyaan Sharciga Kana Shaqeyaan Xasiloonida Degaanka.

Waxa Uu Tilmaamay In Ay La Xisaabtamayaan Siyaasi Walbo Oo Isku Dayo Inuu Shacabka Been U Sheego Dhaliil Iyo Eedeymo Aan Sax Ahayna U Jeediyo Maamulka.

Wasiirka Ayaa Xusay In Siyaasiyiinta Musharaxiinta Ah Laga Doonayo Iney Si Dagan Oo Sharciga Waafaqsan Ololo U Sameystaan Kana Tanaasulaan Qalalaasaha Iyo Dhibaatada Ay Ka Wadaan Degaanada Koofur Galbeed.

Bisha November Ee Sanadkan 2018-Ka Ayaa Lagu Wadaa In Magaalada Baydhabo Ay Ka Dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, Waxaana Jira Siyaasiyiin Isbaheysi Sameystay Oo Doonaya Iney Doorashada Kula Tartamaan Shariif Sheekh Aadan Oo Hada Ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.