AKHRISO: Jid Gooyooyin Yaalay Deegaanada Galmudug Oo La Qaaday

21 total views, 1 views today

Wasaarada Amniga Maamulka Galmudug Ayaa Sheegtay In Ay Ku Guuleysatay Qaadista Jid Gooyooyin Yaalay Degmooyinka Cadaado Iyo Galinsoor Oo Kawada Tirsan Gobolka Galgaduud Ee Bartamaha Soomaaliya.

Wasiir Ku Xigeenka Amniga Maamulka Galmudug Cumar Xasan Maxamed Ayaa Shaaciyay In Ay Qaadeen Isbaarooyin Yaalay Wadooyinka U Dhexeeya Cadaado Iyo Galinsoor Ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo Kale Waxaa Uu Tilmaamay In Tilaabo Cad Ah Ay Ka Qaadi Doonaan Cidii Ay Ku Arkaan Iyagoo Isbaaro U Taala Degaanada Ay Ka Taliyaan Maamulka Galmudug.

Wasiir Ku Xigeenka Ayaa Amar Culus Waxaa Uu Duldhigay Ciidamada Amaanka Ee Maammulka Galmudug,Kaasi Oo Ku Aadan Ay Qeyb Ka Qaataan Sidii Ay Ugu Hortagi Lahaayeen Kooxo Jidgooyooyinka Soo Dhigta Wadada U Dhexeysa Cadaado Iyo Gelinsoor Ee Gobalka Galgaduud.

Maalmihii Dambe Ayaa Waxaa Jiray Cabashooyin Kasoo Yeereysay Wadayaasha Gaadiidleyda Ka Howlgala Degmooyinkaas, Kuwaas Oo Ka Cabanayay Rag Hubeysan Oo Dhac Iyo Boob U Geysta Dadka Wadooyinkaas Isticmaala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.