AKHRISO: Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaalida oo kulankoodii Muqdisho maanta soo xirmayo & Warsaxaafadeed laga soo saaray

22 total views, 1 views today

Hogaamiyaasha dawladda Faderaalka iyo kuwa dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladdaas ayaa maanta soo gabagabeynaya shirka dhinaca Amniga ah, laguna soo qaaday xaaladdaha kala duwan ee ammaanka, siyaasadda, doorashada 2020-ka iyo arrimaha muhiimka ah.

Intii uu socday shirkan waxaa aad diirada la saaray arrimaha Ammaanka, gaar ahaana dhismaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo sidii ay ula wareehi lahaayeen amaanka dalka.

Xogaha ayaa sheegaya in laysku afgartay qodobada la xariira arrimaha Ammaanka, waxaana la qeybiyey Malaayin Dollar oo loogu talogalay dibu dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, iyadoo diirada la saarayo qodobada waa weyn.

Dawlad gobaleedyadu waxay taageereen qorshihii shirka LONDON ee la xariiray arrimaha dibu dhiska ciidamada, waxayna qorsheeyeen in isku dhafka ciidamadu uu noqdo mid dhameystiran oo ay dhinacyada oo dhan raali ka yihiin.

Lacagaha lagu maalgalinayo dibu dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, ayey dhinacyadu isku afgarteen in ay qeyb ka noqdan in la gaarsiiyo dawlad gobaleedyada oo dhan.