Akhriso:-Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Oo Xilkii Laga Qaaday

16 total views, 1 views today

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha  Dowladah Hoose ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox.

Wareegtada oo ku taariikheysneed 20/2/2018 ayaa lagu sheegay in Xilkii laga qaaday Gudoomiye Geeldoox,iyada oo aan degmada Gudoomiye kale loo Magacaabin.

Sababta xilka qaadista ayaa lagu sheegay in ay aheyd xilgudasho la’aan iyo in uu mudo dhowr bilood ah degmada ka maqnaa,waxana Laamaha Amniga Hir-Shabeelle lagu wargeliyay in xiligaan wixii ka dambeeya uu yahay Shacab.