Akhriso: Dowlada Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Ay Ku Dileyn 8-Kamid Ah Xubnaha Al-Shabaab…

25 total views, 4 views today

Taliska Ciidanka Mareykanka Ee AFRICOM Ee Uu Fadhigoodu Yahay Dalka Jabuuti Ayaa Ka Warbixiyay Weerar Jimcihii La Soo Dhaafay Ay Ka Fuliyeen Degaanka Beerxaani Oo 60km Dhinaca Galbeed Uga Beegan Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Africom Ayaa Qoraalkeeda Ku Sheegtay In Iyaga Oo Kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ay Galbeedka Kismaayo Howlgal Wadajir Ah Ka Fuliyeen Kuna Dileen 8 Ka Mid Ah Al-Shabaab,Gaari Ay La Haayeenna Ku Burburiyeen Weerarkaas.

Waxaa Ay Sheegeen In Aysan Jirin Qof Shacab Ah Oo Ku Dhintay Weerarkaas Islamarkaana Ujeedada Weerarka Uu Ahaa Bad Baadinta Muwaaddiniinta Mareykanka Ah,Ka Hortagga Weerarro Argagixiso Oo Laga Qorsheynayay Degaankaas Iyo In Dowladda Soomaaliya Iyo AMISOM Ay Kala Shaqeeyaan Amaanka.

Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa Ayaa Jimcihii Sheegay In Loo Baahanyahay In Sare Loo Qaado Weerarrada Mareykanka Ee Ka Dhanka Ah AL-Shabaab Si Loo Dhimo Awoodda Al-Shabab.

Mareykanka Ayaa Sanadkan Soomaaliya Ka Fuliyay Wax Ka Badan 30 Weerar Waxaana Ay Ka Badantahay Weerarradii Mareykanka Uu Ka Fuliyay Soomaaliya Sideeddii Sano Ee Uu Madaxweynaha Ahaa Brack Obama.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.