AKHRISO: Axmed Madoobe Oo Amarkii Ugu Cuslaa Abid Soo Saaray Iyo Shacabka Kismaayo Oo Naxsan

20 total views, 1 views today

Amar Ka Soo Baxay Maamulka Jubba Land Ayaa Shacabka Magaalada Kismaayo Looga Mamnuucay Goobaha La Isku Yimaado (Fadhi Ku Dirirka) In Looga Hadlo Arrimaha Siyaasadda Iyo Amniga Deegaanada Maamulkaasi

Amarkaan Ayaa Waxaa Soo Saartay Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland,Iyadoo Lala Socodsiiyay Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe.

Maqaayadaha, Hotelada Iyo Goobaha Kale Ee Ku Yaala Magaalada Kismaayo Ayaan La Ogolayn In Ay Dad Ku Kulmaan Islamarkaana Ay Ka Sheekeestaan Arimaha Siyaadda Ee Maamulka Jubbaland Sidoo Kale Jubbaland Ma Ogola In Fadhi Ku Dirarada Looga Hadlo Amaanka Waxaana Qofkii Lagu Arko Mutaysan Karaa Xerag Iyo Ganaax Lacageed.

Dhalinayarada Kismaayo Ayaa Sheegay In Dad Badan Arintaan Loo Xiray In Kastoo Mar Dambe Lasoo Daayay, Dhalinyarada Iyo Siyaasiinta Shaqo La’aanta Ku Heyso Kismaayo Ayaa Ku Jira Taxadar Badan Oo Dhinaca Amniga Ah Iyadoo Fadhi Ku Dirarada Aad Looga Baqo, Dadka Ma Aamusaan Balse Waxay Ka Doodaan Arimaha Caalamka Iyo Siyaasadda Kale Soomaliya Ee Ka Baxsan Jubbaland.

Sidoo Kale Maamulka Jubbaland Ayaa Soo Saaray In Aroosyada Ka Dhacaya Magaalada Kismaayo Lagu Galbiyo Wax Ka Badan Labo Gaari, Waxaana Qofkii Labo Gaari Ka Badan Soo Qaata Loo Arkaa In Uu Sharcig Jibiyay Waxa Uuna Mutaysan Doonaa Ciqaab Adag.

Saraakiil Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Ay La Xariirtay Idaacadda Kulmiye Ayaa Ka Gaabsaday In Ay Faah Faahin Ka Bixiyaan Arintaan Balse Dad Kala Duwan Oo Ku Nool Magaalada Kismaayo Ayaa KNN U Xaqiijiyay In Amarkaasi Si Ficil Ah Looga Dhaqan Giliyay Kismaayo Waxana Maqaayadaha Iyo Hoteelada Ku Sugan Dhalinyaro Dhar Cad Ah Oo Arimahaasi Loo Xilsaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.