AKHRISO: 8—Qodob Oo Laga Soo Saaray Shir Wasiirka Maaliya Iyo Maamul Goboleydka Jubaland Ee Kismaayo Kadhacay…

!!!

26 total views, 2 views today

Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Waxaa Maanta Lagu Soo Gabagabeeyay Shirka Wadatashiga Maaliyadda Ee Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shirka Oo Socday Labo Maalin Ayaa Waxaa Laga Soo Saaray Seddeed Qodob Oo Muhiim Ah,Waxaana Ka Qeyb Galay Wasiirka Maaliyadda DFS Iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada.

Qodobada Shirka Ka Soo Baxay Waxaa Warbaahinta U Akhriyay Maxamed Kaamil Oo Ah Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Jubbaland.

Qodobadii Kasoo Baxay Shirka:

1- Waxaa Ay Xoojiyeen Ayideenna Shirkii Ugu Horreeyay  Ee Wasiirada Maaliyadda Ay Yeesheen Bishii November 3, 2015 Kaasoo Lagu Yagleelay Madasha Wasiirada Maaliyadda Iyagoo Weliba Ku Baaqay In Laga Wada Shaqeeyo Xoojinta Xiriirka Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada Iyo Sidoo Kale Sare U Qaadista Hufnaanta Maamulka Maaliyadda Dalka.

2- Waxey Isku Dhiirrogeliyeen In La Helo Lagana Wada Shaqeeyo Wadiiqo Isku Furnaan Ganacsi.

3- Waxey Isla Garteen In Mideynta Canshuurta Dalku Ay Dhiirrogelin Xoogan U Yahay Cirib Tirka Caqabadaha Kala Xernaanta Ganacsiga Maamul Goboleedyada.

4- Waxey Hoosta Ka Xariiqeen Baahida Loo Qabo In La Xoojiyo Maamul Wanaagga Iyo Xaqiijista Sare U Qaadista Hufnaanta Maamulka Maaliyadda Dalka.

5- Waxey Ansixiyeen Tallooyin Ay Soo Gudbiyeen Guddiga Farsamo Ee Xiriirka Gobolada Ee Maaliyadda Oo Ku Aadanaa Nidaamka Maamulka Iyo Maareynta Dakhliga Dalka.

6- Madashu Waxey Ku Baaqday In Bisha Jannaayo 2018 Ay Shirweyne Isugu Yimaadaan Wasiirada Maaliyadda Ee Dalka Oo Dhan Iyo Wasiirada Kalluumeysiga Loogana Wada-Hadlo Qeybsiga Kheyraadka Dakhliga Kalluumeysiga.

7- Waxey Dureen Sharci Ahaanshiyaha Heshiiska SOMA Ee Loo Yaqaano SOMA Agreement, Waxeyna Ku Talo Bixiyeen In Dib Loogu Laabto Heshiiskaas Lana Waafajiyo Shuruucda Dalka Iyo Heshiiskii Geneva Ee 1961-Kii.

8- Madashu Waxey Fareen Guddiga Farsamada In Ay Soo Dhiraan-Dhiriyaan Qaadashada Habka Canshuuraha Qiimaha Ku Saleysan Ee Furdooyink.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.