Akhri: Warbixinta Guddiga Maaliyadda Ee Odoroska Miisaaniyadda 2018

28 total views, 3 views today

Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka Ayaa Warbixin Ka Keenaan Miisaaniyadda Sanadka 2018, Kaasoo Dhowaan Ay Soo Diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, Isla Markaana Ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada Waxaana Miisaaniyadda Oo La Mariyay Akhrinta Labaad Ayaa La Filayaa In Xildhibaanada Ay Ka Yeeshaan Dood.

Guddiga Ayaa Dalbaday In Wasaaradda Maaliyadda Ay Cadeyso 14 Milyan Oo Lagu Kordhiyay Miisaaniyaddii Sanadkii 2017, Isla Markaana La Keeno Halka Ay Ku Baxeyso.

Miisaaniyadda Sanadka 2018 Ayaa Waxaa 43% Lagu Saleeyay Deeqaha Dibadda, Taasoo Guddiga Sheegay In Aan La Xaqiijin Karin, Halka 57% Dakhliga Gudaha Uu Yahay.

“Saadaasha Dakhliga Gudaha Ee Dalka Guud Ahaan Waa $156 Malyan Oo U Dhiganta 57% Halka Ay Saadaasha Dakhliga Dibaddu Tahay $118.6 Malyan Oo U Dhiganta 43% Haddaba Taasi Waxaa Ay Muujinaysaa In Aan La Xaqiijin Karin Hal Kudhigga Miisaaniyadda 2018 Oo Ah “Ku Tiirsanaanta Dhaqaalaheena” Maadaama Ku Talagalka Deeqaha Dibadda Ee Miisaaniyadda 2018 Ay Aad U Sareeyso”Ayaa Lagu Yiri Warbixinta Guddiga Maaliyadda.

Sidoo Kale Waxaa Warbixinta Lagu Sheegay In Dalalka Turkey, Sacuudiga Iyo Qatar Laga Filanayo Lacag Gaareysa 62,360,000, Taasoo Qeyb Ka Ah Miisaaniyadda.

Guddiga Maaliyadda Ayaa Sheegay In Miisaaniyadda Cusub Ee 2018 Aan Lagu Soo Darin Mushaaraadka Xildhibaanadii Baarlamaankii 9aad 5-Tii Bilood Ee Mushaarkda Ka Maqnaa Iyo Xuquuqda Shaqaalaha, Waxaana Guddiga Uu Ku Baaqay In Lagu Soo Daro Miisaaniyadda Cusub.

Waxaa Uu Kaloo Guddiga Sheegay In Qoondada Miisaaniyadda 2017 La Go’aamiyay In Gunnada Ciidamada Aan Darajada Wax Ku Qaadan Lagu Kordhiyo $50 Bil Walba, Laga Bilaabo November 2017, Balse Qoondada Ciidamada Ee Miisaaniyadda 2017 Ay Wasaaradda Maaliyadda Ka Reebtay Kororsiimadaas $50 Ee Uu Baarlamaanka Ansixiyay.

Miisaaniyadda 2018 Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Gaareysa Lacag Dhan $274,640,191 (Labo Boqol Iyo Toddobaadan Iyo Afar Milyan, Lix Boqol Iyo Afartan Kun, Boqol Iyo Sagaashan Kow Dollar).

Miisaaniyaddii Hore Ayaa Ahayd 260 Milyan, Farqiga U Dhaxeeya Labada Miisaaniyadood Ee 2017 Iyo Tan Cusub Ee 2018 Ayaa Ah 14 Milyan Oo Micnaheedu Yahay 5.63% Ayaa Ku Korortay Miisaaniyada Cusub Ee 2018.

2018-Warbixinta-Guddiga-ee-Miisaaniyadda-Final-One

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.