Ajnabi ka barbar dagaalama Shabaab oo Sh.Dhexe lagu dilay.

23 total views, 1 views today

General Maxamuud Maxamed Koronto, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xooggga Dalka, ayaa shaaca ka qaaday inay Xoogaga Ururka Al Shabaab ka sifeeyeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Jowhar & Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha, ayaa tilmaamay tani inay ka dambeysay markii ay ciidan xoogan soo dhigeen wadada, isla-markaana ay baacsadeen Shabaabkii soo galay wadadaasi.

Taliyaha oo u waramay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu ku waramaya inaanay xilligan wax dhibaato ahi ka taagnayn isu socodka wadada isu xirta Balcad iyo Jowhar, sida uu yiri.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamuud Maxamed Koronto waxa uu qiray in mar ay Shabaabku soo buuxiyeen wadada, kuna dhibaateen jireen gaadiidka, balse ay hadda meesha ka saareen dhibaatadaasi.

General Maxamuud Maxamed Koronto, ayaa ballanqaaday inay soo bandhigi doonaan muuqaalo muujinaya sida Shabaabka looga sifeeyay wadada, ayna jooggan Ciidanka Xoogga Dalka oo keliya.

Taliyaha ayaa Qiray iney Shabaab dileen ciidan ku sugnaa Balcad mar ay soo weerareen balse haatan Howlgalka la Xoojiyay.

Waxa uu Sheegay iney dagaal ku dileen Nin kamid ah Ajaanibta ka barbar dagaalanta Xarakada Al-Shabaab oo udhashay Dalka Komoros sida uu sheegayo General Koronro.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Maamulka Hirshabelle, ayaa Isniintii qaaday guluf xoogan oo ay Shabaabka kaga kicinayan wadada Jowhar iyo Balcad, waxaana hawlgalkaasi horkacayay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.