Agaasimaha Hey`adda NISA oo shaqada ka joojiyay ku xigeenadiisa

26 total views, 2 views today

(Warqaat.Com)– Sida ku cad warqad ka soo baxday Xafisska Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada looga joojiyay kuxigeenadiisa 1aad iyo labaad.

Ku xigeenka 1aad ee Hey`adda Nabadsugida Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa xilkaas soo hayay ilaa iyo xiligii dowlada uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, halka Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo xilkaan loo magacaabay xiligii Taliyaha NISA uu ahaa C/laahi Sanbaloolshe.

Halkan ka Akhriso warqada ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha NISA ee shaqada looga joojiyay ku xigeenadiisa.