Abraha Iyo Dumintii Kacbada Qeybtii Sadexaat.3

39 total views, 2 views today

Abraha Waxa Uu Ahaa Nin Xabashiya Oo Waali Ka Ahaa Wadanka Yemen, Waxa Uu Xaasidnimo U Hayey Carabta Iyo Kacbada, Kadibna Waxa Uu Isku Dayey Inuu Dadka Ka Leexiyo Xajka Ay U Tagaan Magaalada Makkah Sidaa Awgeed Waxa Uu Dhisay Kaniisad Wayn Oon Hore Loo Arag, Waanu Qurxiyey, Waxaanu U Bixiyey Qaliis.

Abraha Wuxuu U Diray Warfidiyayaal Boqorkii Xabashida Uguna Bushaareeyey In Uu Dhisay Kaniisad Aan Hore Loo Arkin, Si Ay Dadku Ugu Soo Xajaan. Waxa Ogaysiis Loo Diray Magaaloyinka Uu Ka Talinayey Si Loo Siyaarto Kaniisadaas. Carabtii Ayaa Ka Cadhootay Arrintaas Una Fahanatay In Lagu Cayaarayo Muqadasaadkoodii.

Waxa La Sheegaa In Nin Carab Ah Ay Qaaday Caadifadii Kadibna Uu Galay Kaniisadii Kuna Xaajooday Meeshii Loogu Talo Galay In Dadku Siyaartaan. Arrintii Markay Gaadhay Abraha Ayuu Go’aansaday In La Burburiyo Kacbada. Abraha Iyo Ciidan Hubaysan Oo Uu Wato Ayaa Soo Baxay Si Loo Dumiyo Kacbada Sharafta Leh. Carabtii Ayaa Maqashay In Abraha Ku Socdo Makkah Kadibna Waxa Ka Horyimi Mid Kamida Boqoradii Yemen Oo La Dhaho (Duu Nafar) Hase Ahaatee Waa Laga Xoog Batay Lana Jabsaday, Kadibna La Qafaashay.

Abraha Iyo Ciidankiisii Waxay Gaadheen Meel La Dhaho Khafca. Carabtuna Raali Kamay Ahayn In La Dumiyo Kacbada Sidaa Awgeed Ayaa Waxa La Dagaalamay Nin La Dhaho Nufayl, Balse Waa Laga Awood

Batay Lana Xidhay. Abraha Socodkii Isagoo Sii Wata Waxa Uu Gaadhay Reer Taqiif Waxaana Gashay Cabsi, Kadibna Way Is Dhiibeen, Cudurdaarna Way Muujiyeenn, Una Sheegeen In Sanamka Ay Haystaan Aanu Ahayn Kacbadii, Kadibna Waxay Ku Dareen Nin La Dhaho ( Abruqal) Si Uu Utuso Dhanka Kacbadu Ka Xigto. Abraha Waa Ka Ajiibay Cudurdaarkoodii, Iskana Dhaafay.

Abraha Iyo Ciidankiisii Markay U Dhowaayeen Makkah Ayuu Geeriyooday Abruqal. Carabtuna Way Rajmin Jireen  Xabaasha Abruqal Sababtoo Ah Waa Ninkii Tusay Abraha Dariiqa Magaalada Barakaysan Ee Makkah.

Ciidankii Waxay Dageen Meel La Dhaho ( Maqmaz) Abrahana Waxa Uu Magaalada Makkah U Diray Nin La Dhaho Al-Aswad Si Uu Usoo Sahamiyo. Markuu Magaalada Galay Ayuu Dhacay Laba Boqol Oo Geela, Waxaana Geela Lahaa Sayidkii Reer Qureesh ( Cabdul-Mudalib).

Geelii Waxa Loo Keenay Abraha, Kadibna Waxa Uu Diray Nin Kale Oo La Dhaho Xanaadah, Waxaanu Ahaa Nin Ximyari Ah. Xanaadah Waxa Uu Galay Magaaladii Lana Kulmay Madax Dhaqameedkii Magaalada, Waxaanu U Sheegay In Aysan Dagaal Iyo In Dhiig Daato Aanay U Iman Balse Kaliya Inay Duminayaan Kacbada.

Cabdul-Mudalib Waxa Uu Utagay Abraha, Isna Waa Sharfay. Abraha Kursigii Uu Ku Fadhiyey Ayuu Ka Kacay Si Uu Usharfo Sayidkii Reer Qureesh Cabdu-Mudalib.

Abraha Aya Waydiiyey Waxa Uu Doonayo, Cabdul-Mudalib Waxa Uu Ku Jawaabay In Uu Rabo Xoolihii Laga Dhacay. Abraha Ayaa La Yaabay Ninkan Geela Ka Hadlaya, Kacbada Uu Duminayona Waxba Ka Qabin. Cabdul-Mudalib Waxa Uu Yidhi ( Anigu Waxaan Rabbi U Ahay Geelayga, Kacbaduna Rabbi Ilaaliya Ayey Leeyahay).

Cabdul-Mudalib Geelii Ayaa Loo Celiyey, Kadibna Qoomkiisii Ayuu Ku Noqoday Una Sheegay In Ay Ka Baxaan Magaalada. Dadkii Waxay U Ordeen Dhanka Buurta, Cabdul-Mudalibna Waxa Uu Ku Dhagay Daahyada Kacbada Isagoo Baryaya Eebe. Abraha Iyo Ciidankiisii Waxay U Ruqaansadeen Dhanka Kacbada, Ciidankuna Waxa Uu Watay Maroodi La Dhaho( Maxbut) Si Loogu Dumiyo Kacbada .

Kacbada Sharafta Leh Waxa Dhisay Nabi Ibraahiim Iyo Wiilkiisii Nabi Ismaaciil, Waxaana Weeye Baytkii Ugu Horeeyey Ee Loo Dhiso Dadka Si Ay Eebe Kaligii U Caabudaan. Markuu Nabi Ibraahiim Dhamaystiray Ayuu Eebe Amray Inuu Eedaamo, Una Yeedho Dadka Si Loogu Tukadu Baytka Eebe.

Nufayl Oo Ku Jiray Gacanta Ciidanka Abraha Ayaa Maroodigii La Hadlay Kuna Dhahay ” Dib U Noqo Maroodiyow” Kadibna Nufayl Waa Firdhaday Isagoo Ku Wajahan Dhanka Buuraha.

Abraha Iyo Ciidankii Waxay La Yaab Ku Noqotay In Maroodigii Diido Inuu U Kaco Dhanka Kacbada, Haday Isku Dayaan Inay U Kaxeeyaan Dhanka Shaam, Yemen Ama Dhanka Bariga Maroodigu Wuu U Dhaqaaqayaa Laakiin Dhanka Kacbada Wuu Ka Istaagay. Mudo Kadib Ayaa Cirkii Mugdi Isu Badalay, Mise Waa Kooxo Shinbiro Ah Oo Afka Ku Sita Dhagaxyo Danabaysan Kuna Tuuraysa Dushooda, Ciidankii

Way Firdhadeen, Intoodii Badnaydna Waa Halaagsaameen. Ninkii Abraha Jidhkiisa Ayaa Kala Daadatay Halkaasbaanu Ku Dhintay. Eebe Wayne Ayaa Halaagay Abraha Iyo Ciidankiisii, Waxaanu Difacaay Baytkiisii. Eebe Qisadooda Waxa Uu Ku Sheegay Suurat Alfiil, Suurata 105. Sanadkana Waxa Loo Bixiyey Sanadkii Maroodiga.

LASOCO QEYBTA XIGTA INSHA ALLH

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.