Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Mas’uuliyiin Shalay Lagu Dilay Sh/ Hoose

48 total views, 1 views today

Madaxweynaha Koonfur Gabeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay qarax shalay ka dhacay gobolka Sh/ Hoose, kaas oo lagu dilay C/qaadir Cabdiraxmaan Baraf oo ahaa wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga ee maamulkaasi iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle.

Ugu horreyn madaxweyne Shariif Xasan ayaa tacsiyeeyay Geerida ku timid Marxuumintaasi.

“Inaa lillaahi as inaa ileyhi raajicuun aad ayaan uga xumahay dilka Wasiiru dowlihii Amniga Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax,Madaxweynaha hirshabeelle ayaan sigaar ah uga  tacsiyeynayaa oo uu maamulkiisa ka tirsanaa xildhibaanka ayuu yiri Shariif Xasan”

Waxaana sidoo kale laamaha ammaanka ee Koonfur Galbeed uu faray in ay jawaab ka bixiyaan weerarkaasi.

Qaraxa lagu dilay mas’uuliyintaasi oo ahaa Miino ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Balidoogle iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, waxaana masuliiyadiisa sheegtay Xarkada Al Shabaab.