XOG MUHIIM AH+AKHRISO: RW Kheyre muxuu kala soo laabtay dalka Imaaraatka Carabta, Mase lasoo qaaday arrimaha Dekeddaha Soomaaliya?

39 total views, 3 views today

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay dib ugu laabtay dalka, ka dib markii uu booqasho qaadatay 3 maalmood ku tagey dalka Imaaraatka Carabta, oo uusan wanaagsaneyn xariirka kala dhaxeeya Xukuumadiisa.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu la kulmay madaxda Imaaraatka Carabta oo aad uga wada hadleen arrimaha ku saabsan xariirka labada dhinac, taageerada ay Soomaaliya uga baahan tahay Imaaraatka iyo arrimaha mashaariicda Imaaraatku ay ka wadaan gudaha, gaar ahaana dekeddaha Boosaaso & Berbera.

Xog ay heshay Warqaat.Com waxay si buuxda u cadeynaysaa in aysan jirin wax is afgarad ah oo ay gaareen Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, gaar ahaana marka laga hadlayay arrimaha ku saabsan mashaariicda ay kula wareegtay ABU DHABI dekedo kuyaala gudaha dalka.

Xubin sare oo katirsanaa wafdiga Ra`iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay Warqaat.Com in mid kamid ah kulamadan aan laysgu afgaran oo ay kala tageen labada dhinac, gaar ahana marka laga hadlayey arrimaha Dekedda Berbera & Boosaaso

Dawladda Faderaalka ayaa ku dooday in heshiisyada dekedahaas ay tahay mid ay leedahay Xukuumada Muqdisho, aysana sharci aheyn oo ay waajib tahay in hadda laga doodo sharciyadooda, laakiin Xukuumada Abu Dhabi ayaa diiday talaabadaas, waxayna ku dooday in ay sifo sharci ah u martay galida heshiisyadaas oo ay kala hadleen madaxdii hore ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Saldhiga Milateri ee kasocda Berbera ayay sheegtay Xukuumadda Imaaraatka Carabtu in uu muhiim u yahay danaheda gobalka, isla markaasna uu yahay mid ay kala hadleen dawladda dhexe iyo Somaliland, oo ay sidaas ku saxiixdeen in la hirgalinaya ay ahayd heshiis ay dhinacyo badan qeyb ka ahaayeen.

Dalabyadii ay doonaysay Xukuumada Soomaaliya ee ahaa in laga taageero Miisaaniyada dalka, Tababarada ciidamada Xooga, bixinta qeybaha ugu muhiimsan ee Saadka ciidamada dawladda iyo arrimo kale ayaa qaarkood heshiis wanaagsan oo balan-qaad u badan laga gaaray.

Xogta ay heshay Warqaat.Com waxay si buuxda u cadeynaysaa in aysan jirin heshiis rasmi ah oo ay kala saxiixdeen labada dhinac ee Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, balse lagu soo kala tagay kala fikir duwanaansho xoog badan, taas oo keentay in Dubia lagu saxiixo heshiiska Dekeda Berbera saami-qeybsigiisa xili Raysalwasaarihii Soomaaliya kusugan gudaha dalka Imaaraatka Carabta.

Mr, Kheyre markii uu dib ugu laabtay Soomaaliya, gaar ahaana caasumada Muqdisho, wuxuu la hadlay wariyaasha oo u sheegay in aysan waxba ka jirin heshiiskii lagu saxiixay dalka Imaaraatka Carabta ee la xariiray arrimaha Dekedda Berbera, wuxuuna sheegay in hubantidu ay tahay in Xukuumada dhexe ay awood uleedahay oo kaliya heshiisyada noocaas ah in la galo.