Sababaha Xiddigga Barcelona Lional Messi Ugu Garaaci Karo Cristiano Ronaldo Abaalmarinta Ballon d’Or 2017

51 total views, 1 views today

Xiddiga Barcelona Lionel Messi Ayaa Lagu Soo Waramayaa Inuu Rajeynayo Inuu Cristiano Ronaldo Ku Garaaco Abaalmarinta Ballon d’Or.

Weeraryahanka Real Madrid Ronaldo Ayaa La Rajeynayay Inuu Abaalmarintaan Ku Guuleysto Markii Shanaad, Iyadoo Messi Uu Yahay Ciyaaryahanka Tartanka Adag Uu Kala Kulmayo.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Ronaldo Ayaa Ku Soo Bilaawday Xilli Ciyaareedkii Ugu Xumaa Xirfadiisa Ciyaareed, Isagoo Shabaqa Soo Taabtay Kaliya Hal Kulan Oo La Liga Ah Xagaagan.

Wargeyska Reer Spain Ee Don Balon Ayaa Sheegay In Lionel Messi Lagu Wargaliyay Inuu Ku Guuleysan Doono Abaalmarintaan Markii Lixaad Xirfadiisa Ciyaareed.

Caadi Ahaan, Dadaalka Kooxeed Ayaa Loo Tixgeliyaa Marka La Bixinayo Abaalmarinta Ballon d’Or Sannad Kasta.

Dad Badan Ayaa U Maleynayay In Ronaldo Ku Guuleystay Abaalmarintaan Ka Dib Markii Uu Real Madrid U Qaaday Tartanka Champions League.

Laakiin, Hadda Iyo Ka Dib, Marka Laga Reebo Sharciga Soo Bixi Doona, Haddii Aan Dib U Eegno Messi Ayaa Ku Guuleystay Abaalmarintaan Sanadkii 2010, Inkastoo Inter Milan Ay Seddex Koob Ku Guuleysatay, Iyadoo Diego Milito, Samuel Eto’o Iyo Wesley Sneijder Ay Wacdaron Dhigeeen.

Si Lamid Ah Ciyaartoyda Xulka Spain, Andres Iniesta, Gerard Pique Iyo Iker Casillas Ayaa Ku Riyoonayay Inay Kaga Guuleystaan Abaalmarintaan Messi Kadib Wacdarahoodii Koobka Adduunka, Laakiin Ma Aysan Dhicin.

Si Kastaba Ha Noqotee, Don Balon Ayaa Intaa Ku Dartay In Messi Uu Kalsooni Ku Qabo Ku Guuleysiga Abaalmarintaan Oo Waqti Hore Lagu Wargeliyay.

Dhinaca Kale, Ronaldo Ayaa Sheegay Inuu Doonayo Inuu Ku Guuleysto Toddobo Jeer Abaalmarinta Ballon d’Or, Isla Markaana Uu Jecel Yahay Inuu Aabe U Noqdo Toddobo Caruur Ah.

“Xilli Ciyaareedkii Hore Waxa Uu Ahaa Mid Aan Caadi Aheyn,” Ayuu U Sheegay Wargeyska Faransiiska Ee L’Equipe Weeraryahanka Real Madrid Cr 7.

“Waxaan Ku Guuleysanay Horyaalka La Liga Iyo Champions League, Halkaas Oo Aan Mar Kale Ka Noqday Gooldhaliyaha Ugu Sareeya Ayuu Hadalkiisa Ku Daray Xiddiga Portugal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.